Advertisements
Wararka

Somaliland oo QM ka dalbatay in loo soo magacaabo ergay u gaar ah Somaliland…


Somaliland, ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay inay u soo magacowdo Ergay cusub oo aan aheyn midka Somalia loo soo magacaabo.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in ay codsi u direen Qaramada Midoobay kaas oo ay ku codsanayaan in wakiil ka socda Qaramada Midoobey oo aan ahayn midka Somalia loo magacaabo Hargeysa.

Somaliland ayaa dhawaan ka soo horjeesatay eryiddii Nicholas Haysom Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxaa ay xilligaas sheegtay in ay diidan tahay go’aanka Dowladda Federaalka ah dalka uga saartay Nicholas Haysom.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxaa ay raadineysaa Aqoonsi Caalami ah oo ay ka hesho Caalamka intiisa kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: