Advertisements
Wararka

Amnesty iyo Human Rights oo ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dilkii Khashoggi…


Hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights watch ayaa ku baaqay markale in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dilkii wariye Jamal Khashoogi.

Xubno ka tirsan hey’adahaan ayaa waxay hortageen dhismaha qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul halkaasi oo aheyd meesha lagu dilay saxafigaan boqol maalin ka hor.

Waa muhiim in saraakiisha amniga ay ku adkeystaan in baaritaan madax banaan la helo, balse xaqiiqda ayaa ah in dhamaan bulshada caalamka ay ka go’naato sidii cadaalad uu u heli lahaa saxafigan, sidaas waxaa warbaahinta Al-Jaziira u sheegay Andrew Gardner oo ka tirsan hey’ada Amnesty.

Jamal Khashoggi ayaa 2-dii bishii October waxaa lagu dhex dilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul waxaana ilaa iyo hada la la’yahay meydkiisa.

Wariyaha la dilay oo u dhashay Sacuudiga ayaa marar badan qormo uu ku qoray wargeyska Washington Post waxaa uu ku dhaleeceyay siyaasada dhaxal sugaha boqortooyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: