Advertisements
Wararka

M/weynaha la doortay ee P/land oo guddoomiyey shirkii ugu horeeyey ee golaha xukuumada…


Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee Golaha xukuumadda Puntland, iyadoo uu ku wehliyo madaxweynaha xilka ka degaya C/weli Gaas.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee la doortay Axmed Cilmi Cismaan, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo kala wareegi lahaa.

Waxaa socota qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono soona magacaabi doono gole wasiiro oo cusub oo bedelaya wasiirada hadda shaqeeya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: