Advertisements
Wararka

M/weyne Laftagareen iyo wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baraawe…


Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed C/ Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe oo ah Caasimada maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen, waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan, waxaana soo dhaweyn u sameeyay maamulka Gobolka iyo kan degmada.

Booqashada Laftagareen.jpg

Madaxweyne Lafta Gareen, ayaa haatan kulamo la leh saraakiisha Ciidamada ee Amisom iyo kuwa Somalida, Isagoo kala hadlaya sidii duulaan loogu qaadi lahaa deegaanada Shabaab ay Joogaan.

Waa socdaalkiisii 2-aad uu Madaxweynaha ku tago meel ka baxsan Baydhabo kadib doorashadiisii, 19-kii Bishii hore, ka hor wuxuu gaaray maagalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: