Advertisements
Wararka

Qof ku dhegtay maaso koronto oo wax ka bedeshay noloshiisa gebi ahaanba dalka Turkiga…


Abdel Salam Jajkja ayaan fileynin in Maaso koronto ku dhegtay ay bedeli doonto shaqadiisa asaga oo xamaali ka ahaa beerta aabihiisa ee koonfur bari Turkiga, waxay u bedeshay qof cabqari ku ah xisaabaadka, wuxuu ogaadaa aragtiyaha cusub ee xisaabaadka, wuxuu gaaray marxalad uu ku furfuro xisaabaad adag asaga oo aan isticmaalin wax calculator ah ama aalada wax lagu xisaabiyo.

Sida laga soo xigtay wargeyska Hurriyet ee ka soo baxa Turkiga, Abdul Salam oo 19 jir ah, ayaa uga shaqeeya xamaali ahaan beerta aabbihiis, waxaa ku dhegtay maaso koronto oo xoog badan leh, kadib waxaa la jiifiyey isbitaal muddo todobaad ah oo qaadanayey daaweynta lagama maarmaanka ah, markuu ka soo baxay isbitaalka waxaa la arkay asaga oo caqligiisa u shaqeeyo si ka duwan sidii hore, uma baahna aaladaha wax lagu xisaabo, wuxuu furfuraa xisaabaadka lagu wareero si fudud.

Abdel Salam ayaa wargeyska u sheegay in uu ka baranayey jaamacada luqadaha si uu ugu takhasuso, laakin wuxuu u wareegay dhinaca kulliyada xisaabaadka, wuxuu xal u helay xisaabo isku murugsanaa, waxaa arrintaasi jiritaankeeda xaqiijiyey macallimka xisaabaadka ee Jaamacada Gaziantep.

Dhinaca kale aabaha dhalay Jaza’ir Jajkja, ayaa sheegay qabashada maasada korontada ay wax ka bedeshay nolosha wiilkiisa gebi ahaanba, uma baahna aalada wax lagu xisaabiyo.

Xubin ka mid ah hey’ada macallimiinta Jaamacada Harran Dr. Kamal Tucker ayaa sheegay in Abdel Salam uu xalilay xisaab murugsaneyd keligiisa, taasi oo aheyd mowduuca risaalada qalin jebinta Master-ka ee Turkiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: