Advertisements
Wararka

Xukuumada Britain oo mar kale ku hungowday dooda baarlamaanka ee arrinta Brexit…


Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa la kulantay jab kale ama dib u dhac cusub kadib markii baarlamaanka u codeeyey in ay wax uga bedesho mashruuca ay iibineyso muddo seddax maalmood haddii ay dhacdo in baarlamaanka uu diido heshiiska Britain uga baxayso Midowga Yurub (Brexit), codka la filayo in loo qaado todobaadka soo socda.

Jabkan siyaasadeed ee soo gaaray ayaa keeni kara fursad kale oo lagu aado afti labaad.

May ayaa xaqiijisay in heshiiska Breixt uu ku jiro danta qaranka, laakiin haddii baarlamaanka uu ansixin waayo, waxaa lagama maarmaan ah in xukuumadda Ingiriiska ” talaabo degdeg ah” qaado.

Tani ayaa waxay imaanaysaa kadib markii xildhibaannadu ay bilaabeen shan maalmood oo ay ka doodayaan ka bixitaanka Midowga Yurub iyo qaabka xiriirka mustaqbalka ee Midowga Yurub, ka hor codeynta baarlamaanka oo la qaban doono 15-ka January.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay ogolaadeen inay ka dalbadaan in xukuumadda lagu qasbo inay soo gudbiso qorshe kale oo ka duwan kan hadda ee Brexit muddo saddex maalmood gudahood ah halka 21 maalmood ka aheyd.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: