Advertisements
Wararka

Ciidamada Mareykanka ee jooga Suuriya oo bilaabay hannaan ay uga baxayaan dalkaasi…


Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hannaan ay uga soo baxayaan dalka Suuriya, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Suuriya u jooga inay ciidamada Kurdish-ka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.

“Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Suuriya. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.

Xulufada Mareykanka ee Kurdish-ka waqooyiga Suuriya ayaa ka cabsi qaba in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay waddada u furi doonto weerar uu Turkiga muddo qorsheynayey inuu halkaas ku qaado.

Turkiga ayaa kooxaha Kurdish-ka Suuriya u arka inay halis amni ku yihiin.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa talaadadii sheegay in badbaadinta Kurdish-ka ay shuruud u tahay bixitaanka ciidamada Mareykanka, hadalkaas oo ka carreysiiyey madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, kaasi oo ku qeexay “qalad weyn.”

Hase yeeshee, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa khamiistii sheegay in hanjabaadda Turkiga aysan waxba ka beddeli doonin qorshaha bixitaanka Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: