Advertisements
Wararka

Holland oo Iran ku eedeysay in gangs-ka dambiyada abaabulan u adeegsadaan dilalka mucaaradka…


Holland ayaa sheegtay in Iran ay bilowday in gangs-ka dambiyada abaabulan u adeegsatay dilalkii labo qofood oo mucaarad ku ahaa Iran oo degganaa dalkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Holland, Stef Blok ayaa ku sheegay khudbad uu ka jeediyey baarlamaanka in sirdoonka Holland “ay hayaan cadeyn ku filan ku lug lahaanshaha Iran dilka labadaasi qof oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Iran, laakin heysta dhalashada Holland, midkood magaalada Almere ayaa lagu dilay 2015, kan kalena magaalada Den Haag 2017”.

Waxa uu ku daray khudbadiisa oo sidoo kale wax ka saxiixday wasiirka arrimaha gudaha Holland Kajsa Ollongren “waxay labada qofood ku ahaayen nidaamka Iran mucaarad”, waxay kala ahaayeen Ahmed Mola Nissi iyo Ali Motamed.

Xukuumadda Dutch-ka ayaa sheegtay in qaabka loo fuliyey dilka Nisi ee sannadkii 2017 ay la mid aheyd dilkii muwaadin kale oo mucaarad reer Iran ah oo ka dhacay Holland, Mohammad Reza Kulahi, oo sidoo kale lagu dilay gurigiisa hortiisa isagoo bistoolad codkeeda la maqleyn loo adeegsaday magaalada Amsterdam.

Holland ayaa wadankeeda ka ceyrisay labo diblomaasi Irani ah sanadkii hore iyada oo ayna shaacin sababta, in ay xiriir la lahaayeen dilalka mucaaradka Iran iyo in kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: