Advertisements
Wararka

Nin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Bristol dalka Ingiriiska xilli uu hurdayey…


Nin Soomaali ah ayaa maanta ku dilay wiil kale oo Soomaali ah xilli uu hurdayey magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka dilka geystay oo ah nin oday ah uu qaadan jiray dawooyinka ay cunaan dadka dhimirka ka xanuunsan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay oo aan magaciisa la shaacin uu ahaa maamulaha guriga falku ka dhacay isla markaana uu dilka u adeegsaday Mindi.

Ninka dilka loo geystay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa gaari taksi ah uu muddo kooban degenaa dalka Ingiriiska isagoo markii hore ka yimid dalka Holland.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay ka dib markii ay wargelisay haweeney ka tirsan dadka degaanka oo aragtay isagoo wata mindida uu wax ku dilay.

Lama oga illaa hadda sababta uu ninkan u dilay wiilka dhalinyarada ah, iyadoo Booliskuna ay sheegeen iney baaritaan ku hayaan dhacdadan, waxaana dilkan ka argagaaxay dhammaan bulshada ku nool Bristol.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: