Advertisements
Wararka

Wararkii ugu dambeeyey dab xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Mogadishu…


Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.

Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda iyo Joodariyaasha ayaa markiiba ku fiday qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan.

Goob jooga ayaa sidan u cabiray wuxuu arkay “Dabkan waxaa oran karaa waa kii ugu weynaa oo waayadan soo mara suuqa oo marar badan oo hore sidan oo kale uu dab uga kacay, hase ahaatee kii xalay waxaa la dhihi karaa waa kii ugu ballaarnaa oo waayadan aan arko”.

Wuxuu sheegay in uu isku fidiyay laga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa laga soo gaaro qeybta kale ee lagu iibiyo maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaa oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo.

Suuqa Bakaaraha. Waa xuddunta dhaqaalaha Soomaaliya, hantida taallana waxay u dhiganta balaayiin dollar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: