Advertisements
Wararka

Burcad Koonfur Afrikan ah oo dil iyo dhaawac u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed…


Koox burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Restunburg ee dalkaasi waxa ay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac ugu geysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.

Kooxda Burcada ah ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa ay ugu tageen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika, islamarkaana u geystay weerar isugu jiray Dil iyo dhaawac.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen Muwaadintiinta lagu kala magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullaahi Maxamuud, halka midka la dhaawacay lagu magacaabo Cali Cusmaan Malaaq.

Bishan Janaayo 7 ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah lagu dilay magaalada Cape Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysay 500,000 Rand (US $36,000).

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waana dilkii labaad ee laba todobaad gudahood dalka Koonfur Afrika loogu geysto Ganacsatada Soomaaliyeed .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: