Advertisements
Wararka

Hacker British ah oo weerar Internet ku gooyay dhammaan Internet-ka dalka Liberia…


Maxkamad British ah ayaa seddax sano xabsi ah ku xukuntay Hacker ama mid ka mid burcada u dhacda computer-ada oo lagu magacaabo Daniel Kay oo u dhashay British oo fuliyey howlgal elektronic oo lagu jabsanayey Internet-ka oo keentay in uu go’o Internet-ka dalka Liberia oo idil.

Daniel Kay oo 30 jir ah ayaa ku qaaday weerar elektronic ah shirkada isgaarsiinta dalka Liberia “Lonestar” bishii October sanadkii 2015, waxay gaartay awooda weerarkiisa in uu go’ay internet-ka dalkaasi oo dhan oo ku yaalla Galbeedka Africa.

Hay’adda British-ka ee la dagaalanka dambiyada, ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisha sare ee shirkada “Cellcom” oo tartan ka dhaxeeya “Lonestar” ay kiraysatay Hacker-ka British-ka si uu u weeraro Internetka, laakiin ma jirto wax caddayn ah in shirkadaasi “Cellcom” ay wax ka ogeyd dhacdadan.

Daniel Kay ayaa wuxuu qirtay dembiga oo wuxuu qiray abuuritaanka shabakadda botnet, oo ah qalab badan oo ka mid ah qalabka lagu jabsado internetka “DDoS.” Kay ayaa wuxuu adeegsaday shabakada botnet markii uu ku noolaa Qubrus si uu u fuliyo weerarka lagu waxyeeleynayo adeega shirkada Lonestar.

Madaxa Qaybta La-dagaallanka burcada dambiyada internetka ee Britain Mike Howlett ayaa sheegay in Kay u shaqaynayey sidii “Hackers la kireysto”, howlihiisa waxay wax yeeleen ganacsiyo badan oo dalal badan oo caalamka ah, dhibanayaasha ayaa khasaaray malaayiin dollar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: