Advertisements
Wararka

Maxkamada CQS oo xukun dil ah ku riday askari horey qof ugu dilay magaalada Mogadishu…


Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi oo loo heysto in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasdan 21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baarista, Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha ciidamada Qalabka Side ayaa sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xiddigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin waxaa ay u dirtay askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamada ciidamada ayaa waxaa ay xukuno ku ridaa askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: