Advertisements
Wararka

Xoghayaha Difaaca dalka UK oo la sheegay in uu baajiyey safar uu ku tegi lahaa Mogadishu…


Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.

Taa badalkeeda Gavin Williamson ayaa booqday magaalada Hargeysa isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen arrimo u badnaa xoojinta xiriirka labada dhinac.

In xoghayaha difaaca dalka Britain uu baajiyo safarkiisii Muqdisho ayaa lagu micneynayaa khilaafka ka dhashay go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ugu ceyrisay wakiilkii Qaramada Midoobey ugu qaabilsanaa siyaasada Soomaaliya Nicholas Haysom oo ay dowladda ku eedeysay in uu ka baxay nidaamkii Diblomaasiyadda.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal warka ku saabsan xoghayaha difaaca uu ka baaqday safar uu ku iman lahaa Muqdisho iyo sida ay u aragto safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale ilaa iyo haatan dowladda Britain kama aysan hadal hadii xoghayahooda difaaca uu markii horeba doonyay in uu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: