Advertisements
Wararka

Horjoogayaal ajaaniib ah oo lagu dilay howlgal ay isla fuliyeen ciidamada Danab iyo Mareykan…


Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay saldhigyo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen deegaannada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday xubno sare oo ka tirsan nabadiidka Al-shabaab.

Ku dhawaad 85 dagaalyahan iyo horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo maleeshiyada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda ciidamada qalabka sida u sheegeen magacyada horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo dalalka ay u dhasheen.

Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka waxay ahaayeen 5 xubin oo ka soo kala jeedo dalalka bariga dhexe iyo Afrika.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheyd Saldhigyo lagu tababaro dagaalyahannada Al-shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: