Advertisements
Wararka

Kooxda Chelsea oo Cesc Febregas ka iibisay kooxda Monaco ee ka dhisan Fransiiska…


Kooxda Chelsea ee ka dhisan dalka Ingriiska ayaa ka iibisay kooxda Monaco ee Fransiiska ciyaaryahanka caanka ah Cesc Febregas oo 31 jir ah. Heshiiska lagula kala wareegay laacibkan ayaa waxaa la saxiixay jimcihii, waxaana laga saxiixay heshiis 3-sano iyo bar ah.

Kooxda Monaco ayaa waxaa iminka tababare u ah ninka lagu magacaabo Thierry Henry oo ay ka wada dheeli jireen kooxda Arsenal, waxaana la aaminsan yahay in uu isagu u gacan-haatiyay laacibkan.

Fabregas ayaa ciyaartii u dambeysay u ciyaaray kooxda Chelsea 5-ta bishan Janaayo, waxaana ciyaartaasi ay aheyd mid uu ku macsalaameynayay kooxda Chelsea.

Waxa uu halgan dheer la soo galay kooxda oo uu labo mar la qaaday koobka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
ino@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6342 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: