Advertisements
Wararka

Trump oo maamulkiisa ka qariyay faahaahinta wadahadaladii uu la yeeshay Putin…


Wargeyska Washington Post ayaa kashifay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sameeyay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo aan horey looga baran maamuladii ka horeeyey inuu ka qariyo faahfaahinta wadahadaladii uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin mas’uuliyiinta maamulkiisa.

Wargeysku wuxuu sheegay in Trump mar ka mid ah waqtiyada uu gacanta ku dhigay buug yaraha tarjumaha ee khaaska u ahaa turjumaanka, wuxuuna ku amray in uusan la wadaagin qof mas’uul Mareykan ah wixii ka dhacay shirkii uu la qaatay Putin.

Wargeyska Washington Post ayaa soo warisay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay ogaadeen ficilada Trump markii la-taliyaha Aqalka Cad iyo Sarkaal sare oo ka socday Wasaarada arrimaha dibada ay ka codsadeen turjumaanka macluumaadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: