Advertisements
Wararka

Afar Soomaali ah oo loo heysto weerarkii 2013 ee Westgate oo ka soo muuqday Maxkamad…


Maxkamad Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa la soo taagay afar Nin oo Soomaali ah kuwaas oo loo heysto weerarkii 2013kii ka dhacay Suuqa Westgate ee Magaalada Nairobi.

Raggan ayaa Maxkamadda la soo taagay shalay, waxaana ay ka jawaabayeen weydiimo la xiriira eedaha loo heysto.

Ninka afaraad oo lagu magacaabo Aadan Dheeg, ayaa la sii daayay, halka Ragga kala ah; Axmed Cabdi, Liiban Cumar iyo Xuseen Mustafa, Maxkamaddu muddo kale u qabatay kiiskooda.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sheegtay in dacwadda Raggan la dhegeysan doono 21ka Bishan January.

Dacwadda ka dhanka ah wiilashan ayaa soo billaabatay 15kii January sanadkii 2014kii,waxaana marba dib u dhacayay dacwaddooda.

Weerarkii Westgate oo dhacay 21kii September sanadkii 2013kii, waxaa ku geeriyooday 67 qof oo ay ku jireen dad Reer Galbeed ah.

Weerarkaas waxaa sheegatay al-Shabaab oo ku sheegtay in uu jawaab u yahay dagaalka Ciidanka Kenya ku soo galeen gudaha Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: