Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo toogasho ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish degmada Bu’aalle…


Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn uga soo horjeeda Al-shabaab.

Sarkaalkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] waxaana ay ku eedeeyeen Al-shabaab in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish.

Sarkaalkan ayaa marka laga soo tago in uu hadda ka tirsanaa Ururka Daacish waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa Ururka Al-shabaab oo mar uu khilaaf soo kala dhaxgalay, laakiin markii danbe ayuu si toos ah ugu biiray Daacish.

Ururka Al-shabaab ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka kale ee Daacish oo ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, laakiin dhaxdooda aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: