Advertisements
Wararka

Askari lagu xukumay bixinta diyada 100 halaad oo ah magta askari uu ku dilay Hilwaa…


Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray dilka Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boolis Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir sanadkii tegay.

Sedax Alifle Boolis. Cali Mahdi Maxamed ayaa loo heystaa in qorigiisa uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sadaxaad Boolis Xasan Aadan Ibraahim.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga halka Sedax Alifle Boliis Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qorigiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga.

Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoriga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta Ex Kormeera Sedaxaad Boolis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah halka Sedax Alifle Boolis Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay laba sano oo xarig ah.

La xukumayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sadaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.

Sedax Alifle Boliis Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso ee lagu kala baxo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6144 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: