Wararka

Qaraxii saaka ka dhacay Mogadishu oo la sheegay in ay seddax ruux ku dhaawacantay…


Seddax ruux ayaa ku dhaawacantay qarax gaari ee ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho, kadib markii gaarigaan la dhigay goob gaadiidka la dhigto oo ku taallo maqaayada Baar Italia oo dhinaca ku haysa goob kaalin shidaal ah.

Suxufiyiin tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegaya gaariga qarxay inuu yaalay meesha baabuurta la dhigto ee maqaayada Baar Italia, waxaana qaraxaasi uu saameeyay kaalinta shidaalka oo dabka uu ka kacay.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, waxaa kale oo jiray gaadiid gubtay iyo kaalinta Shidaalka oo gubatay.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, ayaa halkaasi ka wada baaritaanka ku aadan shaqsiga lahaa gaariga halkaasi ku qarxay.

Dabka ka kacay goobta kaalinta Shidaalka ayaa waxaa damintiisa ku guuleystay gaadiidka Dabdamiska Gobolka Banaadir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: