Advertisements
Wararka

Wasiirka arrimaha dibada Somalia oo si dabacsan uga jawaabay hadalkii M/weyne Museveni…


Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ka dhawaajiyay hadal dad badan oo Soomaaliyeed ka careesiiyay siyaabo kala duwan looga hadlay, kadib markii Soomaaliya usoo qaatay tusaale aan wanaagsaneyn.

Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Idaacada BBC, ayaa si dabacsan uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawad in Madaxweyne Yoweri Museveni si iskiis ah isaga hadlay, waxa uuna intaa raaciyay Wasiirka in lawada ogayahay in Soomaaliya leedahay dowlad shaqeysa.

Jawaabta Wasiirka arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ka bixiyay hadalka Madaxweynaha Uganda oo aheyd mid kooban ayaa u muuqata in dowlada Soomaaliya wali aysan isku raacin jawaabtii ay hadalka Yoweri ka bixin laheyd.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: