Wararka

Ciraaqiyiin looga shakisan yahay inay weeraro argagixiso ka geystaan Jarmalka oo la xiray…


Dowladda Jarmalka ayaa xiray seddax Ciraaqiyiin ah oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro argagixisanimo iyagoo isticmaalaya waxyaabaha qarxa iyo hub.

War saxafadeed uu soo saaray xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in laba ka mid ah maxaabiista “ay go’aansadeen in 2018 ay qaadaan weerar argagixiso ee Jarmalka.”

Sida laga soo xigtay baaritaanka, dadka maxaabiista ah ma sheegin bartilmaameed gaar ah oo ku aadan weerarkooda, Waxaa la xaqiijinayaa in seddaxdooda ay ka tirsan yihiin urur hubeysan.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sheegay in maxaabiista ay kala yihiin Shaheen F, Hersh F, oo 23 jirro ah, halka Raouf S uu jiro 36 sano, oo iyagu taageero u fidiyey.

Seddaxda ayaa lagu qabtay degmada Dithmarschen ee u dhow xuduudda Denmark.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: