Wararka

Isku dhacyo dhex maray laba qowmiyadood oo sababay in Jigjiga bandow gasho…


Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in isku dhacyo u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Amxaarada uu dhex maray, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa farageliyay isku dhacyada dhex maray labada qowmiyadood, waxaana xalay magaalada Jigjiga ka dhaqan galay Bandaw lagu soo rogay.

Taliska Booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay rabshadaha ka dhacay Jigjiga inay ka dambeeyeen Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa saaka ah mid degan, waxaana heegan sare la geliyay Ciidamada kala duwan ee Federaalka iyo kuwa Liyuu Booliska.

Tan iyo markii is bedelada ka dhaceen magaalada Jigjiga waxaa magaalada ka jiray jawi degenaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: