Wararka

M/weyne Kenyatta oo ballan qaaday sii wadida taageerada dadaalada caalamka ee Somalia…


Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan uu la qaatay madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa ay ka wada hadleen sidii labada dalka Soomaaliya iyo Kenya isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dowladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay hormaradada ka jira Soomaaliya dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: