Wararka

Midowga Yurub oo meesha ka saaray iskudayga in dib loo furo heshiiska Brexit…


Hogaamiyaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ku rabto in ay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March.

Baarlamaanka Britain ayaa Talaadadi shalay ansixiyay codsi ay ay Theresa May Midowga Yurub uga codsatay in ay dib uga wada shaqeeyaan heshiiska Brexit gaar ahaan xuduuda Ireland.

Laakin afhayeen u hadlay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa gaashaanka ku dhuftay iskuday walba oo dib loogu furayo wada-hadaladi dhamaaday ee Midowga Yurub iyo Britain.

Iyadoo aanan xal laga gaarin heshiis ay labada dhinac ka gaaran qaabka ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub, Britain waxaa kusii dheeran doono dariiqa ay u mareyso ka bixista Midowga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: