Wararka

Roob xoog badan oo ka da’ay dalka Sacuudiga oo geystay dhimasho iyo burbur…


Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay roob mahiigaan ah oo ka da’ay isbuucaan dalka Sacuudiga sida ay shaacisay waaxda difaaca dadweynaha ee boqortooyada.

Roobka ayaa si xoogan khasaare ugu geystay degaanada hoose gaar ahaan galbeedka iyo waqooyi galbeed oo u dhow xadka Sacuudiga iyo Jordan.

Ugu yaraan 10 ruux oo dadkaan ka mid ah ayaa ku dhintay magaalada Tabuk ee waqooyi galbeed.

War ka soo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in 271 ruux laga soo badbaadiyay goobta sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay boqortooyada Sacuudiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: