Advertisements
Wararka

Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen oo sii daayey askari xanuunsan oo Sacuudi ah…


Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa sii daaysay askari xanuunsan oo u dhashay boqortooyada Sacuudiga oo mudo gacanta ugu jiray, waxaana askarigan lagu sii daayay waan waan ee ka shaqeysay Qaramada Midoobay.

Diyaarad ay leedahay ICRC oo siday Mousa Awaji oo gacanta ugu jiray kooxda Xuutiyiinta ayaa ka degtay magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga, waxaana askarigan durba la geeyay isbitaal gaar ah oo lagu daweenayo.

Askarigan ay sii daayeen kooxda Xuutiyiinta ayaa la sheegay in kooxdan ay ku badalaneyso maxaabiis ay ka heystaan Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo, waxaana Maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac ka shaqeeyay Ergayga QM u jooga dalka Yemen, Martin Griftis.

Sii deyntan askariga xanuunsan ee u dhashay Sacuudiga ayaa horu dhac u ah maxaabiis is dhaafsi kooxda Xuutiyiinta iyo Isbaheysiga Sacuudiga hogamaiyo, waxaana labada dhinac kala heystaan maxaabiis dagaal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6538 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: