Wararka

Laamaha ammaanka Sudan oo xabsiga dhigay gabar uu dhalay hogaamiyaha xisbiga Ummah…


Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabar uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labo kamid ah gawaarida booliska ayaa gaaray guriga ay degganeyd Maryan Sadiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen.

Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo uu hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiq Al Mahdi oo horraan Ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Xiritaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xiray bannaabaxyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: