Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo madaxda sirdoonka dalkiisa u sheegay in fasalada iskuulada ku laabtaan…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar ku qaaday saraakiisha sare ee sirdoonka Mareykanka waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwo aan khibrad iyo firfircooni shaqo ka muuqan.

Dhaleeceynta Trump ayaa imaaneysa maalin kadib markii ay sheegeen saraakiisha sirdoonka in aragti ahaann waqooyiga Kuuriya uu ka khatar badan yahay xiligan dhanka bacriminta hubka dalka Iiraan.

Hogaamiyeyaasha sirdoonka oo ka soo hor muuqday aqalka golaha Senate-ka ayaa sheegay talaadadii in wali ay taagan tahay halista hubka Nuclear-ka waqooyiga Kuuriya.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Iiraan aysan wadin bacriminta hubka wax gumaada iyadoo Trump uu horay ugu daray maamulka Tehran dalalka caqabada ku ah amniga caalamka.

Trump oo caro ka muuqatay ayaa yiri sirdoonka waxay u muuqdaan kuwo khibrad iyo fircooni aan laheyn marka ay imaado khatarta Iiran,aragtida ay bixiyeen waa mid qaldan.

Ugu danbeyn hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri sirdoonka dib ugu laabta iskuulada waxna soo barta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6538 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: