Advertisements
Wararka

AUN waxaa magaalada Hyderabad ee India ku geeriyooday Abwaan C/llahi Xirsi Baarleex…


Warar soo baxay ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee waxaa magaalada Hyderabad ee dalka India ku geeriyooday Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee sida weyn uga caan baxay geyiga Soomaaliya.

Abwaanka oo in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ayaa daaweyn caafimaad loo geeyay dalka India oo ay ka shaqeysay safarkiisa dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu danbeyntii u geeriyooday xannuun in muddo ahba uu la il darnaa.

Allaha u naxaristee Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarleex ayaa caan ku ahaa suugaanta gaar ahaan dhaantada tirinteeda iyo ciyaarteeda, waxa uuna ahaa abwaan si weyn sare ugu qaadayay dhaqanka Ummada Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: