Wararka

Maxkamada Kenya oo fasaxday seddax qof oo loo heystay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab…


Maxkamad ku taalla Kenya ayaa sii deysay Seddax Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 qof.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: