Advertisements
Wararka

Taliska Mareykanka ee Afrika oo sheegay in ay duqeyn ku dileen 24 ka tirsan al-Shabaab…


Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war ka soo saaray duqeyn diyaaradeed oo Arbacadii ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo fariisin u ah Ururka Al-shabaab.

Warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan, 24 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa wali sii wada duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-shabaab ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: