Advertisements
Wararka

Qarax Ismiidaamin oo la sheegay inuu ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee Gedo…


Qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la rabay in la soo galiyo gudaha Magaalada Baardheere, balse Saraakiisha ammaanka Baardheere ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi, kadibna ay uga hortageen duleedka Magaalada Baardheere oo halkaasi uu ku qarxay.

Saraakiisha ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo kala duwan Ciidamada Jubbaland inay ka soo gaareen qaraxaasi, sidoo kalena goobta uu ku dhintay ruuxii kaxeynaayay gaariga waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan.

Taliyaha ammaanka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Xuseen Muxumed Xasan, ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan kadibna Ciidanka ay uga hortageen duleedka Baardheere.

“Gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ayuu ahaa xogtiisa ayaan helnay kadibna waan ka hortagnay oo banaanka Magaalada ayaan uga hortagnay anaga & Ciidamada Amisom, sidaasi ayaana ku fashilinay gaari ruuxii waday kaliya ayaa isku qarxiyay.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku weerareen Xero Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Baardheere, halkaasina khasaare uu ka dhashay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: