Wararka

Ruushka oo jawaab ka bixiyay eedeynta xadgudubka heshiiskii xakameynta hubka Nuclear-ka…


Dowlada Ruushka ayaa jawaab ka bixisay eedeyntii kaga timid dowlada Mareykanka oo aheyd in xukuumada Moscow ay ku xadgudubtay heshiiskii xakameynta hubka Nuclear-ka oo labada dal kala saxiixdeen sanadkii 1987-dii.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in xukuumada Washington ay u taalo su’aashan iyadoo intaa raacisay in Ruushka uusan jabin heshiiska xakameynta hubka wax gumaada.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya saacado uun kadib markii xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiskii INF.

Pompeo ayaa intaa ku daray in laga bilaabo 2-da bisha Febraayo uusan mareykanka qeyb ka aheyn, dalka Ruushkana uu fursad heesto ilaa lix bilood hadii in uu ka soo noqdo jabinta heshiiskii INF.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: