Wararka

Qorshayaal qoyska reer Boqor London looga saarayo haddii ay dhacaan rabshado ama kacdoon…


Laba ka mid ah wargeysyada Ingiriiska ayaa sheegay maanta oo Axad ah in saraakiisha British-ka ay soo nooleeyeen qorshayaasha xaaladaha degdegga ah ee Dagaalkii Qaboobaa ee loogu gurmanayo qoyska boqortooyada haddii ay ka dhacaan rabshado iyo kacdoon shacab magaalada London sababta oo ah saamaynta ka soo gaarto Britain ee ka bixida Midowga Yurub (Brexit) oo la qorsheeyey bisha soo socota.

Wargeyska Sunday Times ayaa sheegay asaga oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin oo ka tirsan xukuumada oo ka ag dhow arrimaha maamulka ee xasaasiga ah in “qorshayaasha xaalada degdegga oo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa, laakiinse haatan loo isticmaali doono ujeeddooyin kale haddii uu dhaco kacdoon shacab ka dib guuldarada in heshiis laga gaaro ka bixitaanka Midowga Yurub.”

Wargeyska The Mail on Sunday ayaa sheegay in ay ogaatay qorshe lagu rarayo qoyska reer boqor, oo ay ku jirto Queen Elizabeth oo la geynayo goob aamin ah oo ka baxsan caasimada.

Xubin ka mid ah baarlamaanka oo ka tirsan xisbiga Conservative Yaqub Rees Moog,oo ka mid taageerayaasha Brexit ayaa isla wargeyska u sheegay in uu rumeysan yahay in qorshayaashaan ay abuurayaan cabsi aan loo baahneyn ee mas’uuliyiinta sababo la xiriira in Midowga Yurub looga baxo heshiis la’aan, asaga oo farta ku fiiqay shaqsiyaadka sare ee qoyska Boqortooyada ay ku nagaadeen London markii duqeynta ay ka dhaceysay dagaalkii labaad ee adduunka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: