Wararka

Madaxii mashruuca Shirkada DP World oo Boosaaso lagu toogtay iyo al-shabaab oo sheegatay…


Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin hubeysan uu saaka toogtay Madaxii Mashruuca Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso.

Ninka hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa la sheegayaa in isna goobta lagu dilay, iyadoo Isbitaal loola cararay Madaxii Shirkadda DP World Paul Anthony Fermosa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaaladiisa, warbaahinta Boosaaso ayaa sheegaya in rasaastii lagu furay uu u geeriyooday, halka warar kalena ay sheegayaan inuu koomo ku jiro.

Paul dp world.jpg

Mr Paul ayaa madax ka ahaa Mashruuca DP World ee qaabilsan dhismaha iyo ballaarinta Dekeda Boosaaso oo maamulkii hore ee Puntland ay heshiis la gashay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay toogasho saaka ka dhacday Dekeda Boosaaso, kaasoo lagu dilay Madaxii Mashruucda DP World ee Dekeda Boosaaso.

Nin hubeysan oo la sheegay inuu iska dhigay Kalluumeysato ayaa toogtay Paul Anthony Fermosa oo madax ka ahaa Mashruuca Shirkadda DP World ee qaabilsan dhismaha iyo ballaarinta Dekeda Boosaaso.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dileen ninkii madaxda ka ahaa DP World ee Dekeda Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha Shisheeye ee boobka iyo faragelinta ku haya Soomaaliya, isla markaana doonaya inay la wareegaan kheyraadka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: