Advertisements
Wararka

Mareykanka oo soo saaray digniin ku saabsan weeraro argagixiso oo ka dhici kara Kenya…


Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku saabsan weerarro argagixiso oo ka dhici kara magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.

Qoraal maanta kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay inay jirto halis ku saabsan in dadka reer Galbeedka ah lagu weerarro magaalooyinka Kenya sida: Nairobi, Naivasha, Nanyuki, iyo Gobolka Xeebta, waxaana dadka looga digay inay ka fogaadaan goobaha la isugu yimaado sida Baararka, Suuqyada, Hotelada iyo goobaha lagu cibaadeysto.

Waxaa kaloo dadka Mareykanka iyo kuwa kasoo jeeda dalalka reer Galbeedka laga dalbaday inaysan tegin goobaha dalxiiska ee lagu yaqaan inay tagaan dadkaasi, ayna xiriir joogto ah la sameeyaan safaaradahooda.

Digniintan ayaa soo baxday iyadoo kooxda Alshabaab ay bartamihii bishii hore ee Janaayo weerar culus ku qaaday dhismaha Dusit D2 ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu dilay dad gaaraya 21 qof oo ay ku jireen dad reer galbeed ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: