Advertisements
Wararka

Jose Mourinho oo aqbalay xukun hal sano ah oo ku riday Maxkamad Isbaanish ah…


Tababarihii hore ee Real Madrid Jose Mourinho ayaa aqbalay xukun hal sano ah oo loogu soo oogay la baxsasho canshuur dhan € 3.3million (£ 2.9m), maxkamad Isbaanish ah ayaa dacwad ku soo oogtay maanta oo Talaado ah, inkastoo uusan Mourinho uu geli doonin xabsi.

Maxkamada dacwada ku soo oogtay Mourinho ayaa ku eedeeysay xuquuqda muuqaalka ah inuu ka diiwaan geliyey shirkado saldhigooda uu yahay British Virgin Islands iyo Ireland sanadkii 2004tii, laakiin kuma uusan darin lacagta uga soo xarootay canshuur xirkii 2011 iyo 2012, markii uu macalin ka ahaa Real Madrid oo i rasmi ah u degenaa dalka Spain, iyada oo ujeedadu aheyd helitaanka faa’iido sharci darro ah ‘.

Kiisaska canshuurta lala baxsaday ee ugu dambeeyay ee Spain oo la xiriirta kubadda cagta:

Lionel Messi – 21 bilood oo xukun ah iyo ganaax gaarayo € 2m (£ 1.8m) sanadkii 2016.
Javier Mascherano – hal sano oo xarig ah sanadkii 2016.
Angel di Maria – 16 bilood oo xarig ah iyo ganaax gaarayo € 2m (£ 1.8m) sanadkii 2017.
Cristiano Ronaldo oo sugaya xukun asaga oo lagu eedeeyey la baxsashada canshuur gaareyo € 14.8m (£ 13m) canshuurtii sanadihii 2011 ilaa 2014.
Neymar – oo sugaya xukun, oo lagu eedeeyay in uu la baxsaday lacag gaareyso € 17.5m (£ 15.4m) canshuurihii laga soo bilaabo 2011 ilaa 2014.

Sidoo kale Mourinho waxaa lagu ganaaxay € 1.9m (£ 1.7m), boqolkiiba 60 lacagtii uu la baxsaday, iyo sidoo kale dulsaarkii ku waajibay oo dhan € 121,764 (£ 107,000).

56-sano jirkan iyo wakiilladiisa ayaan weli si rasmi ah uga faaloon arrintan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: