Wararka

Ninkii geystay dilkii madaxa mashruuca DP World ee dekeda Boosaaso oo geeriyooday…


Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay fiidkii hore uu ku geeriyooday Isbitaalka ninkii shalay ku toogtay Madaxii Mashruuca DP World ee Dekeda Boosaaso.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka weyn ee Boosaaso ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ninka uu u geeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray rasaastii lagu dhuftay.

Ninka toogashada geystay oo da’diisa lagu qiyaasay 20 Sano jir ayaa magaciisa ku sheegay C/llaahi Maxamed Ibraahim.

Inta badan Su’aalaha la weydiinayay ma uusan ka jawaabin xaaladiisa oo aad u cusleyd darteed.

Si kastaba Meydka Paul Anthony Fermosa ayaa lagu hayaa mid ka mid ah qaboojiyayaasha meydka ee Isbitaalka Bosaso, iyadoo Saacadahada soo socdo la filayo in loo qaado wadanka Imaaraatka Carabta, ka dibna dalkiisa Malta.

Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World, ayaa 12 October 2017 si toos ah ula wareegtay maamulka Dekadda Boosaaso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: