Advertisements
Wararka

Siyaasi caan ku ahaa colaadinta Muslimiinta oo ugu dambeyntii diinta Islaamka qaatay…


Siyaasi horay uga tirsanaa Xisbiga Xuriyada ee Midigta fog (PVV) oo hogaamiyo Geert Wilders ee dalka Holland, kana mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in uu qaatay diinta Islaamka.

Joram Van Klaveren ayaa sheegay in uu qaatay go’aankan xilli uu qoray buug ka sheekeynaya waxa uu yahay Islaamka, ayna qalbigiisa soo gashay in uu qaato diinta Islaamka.

Siyaasigaan ayaa marar badan weerar ku qaaday bulshada Muslimiinta waxaana uu ku tilmaamay in ay dhibaato ku yihiin ammaanka Holland.

Van Klaveren ayaa isaga baxay xisbiga Freedom Party sanadkii 2014 ololihii doorashada, kadib markii uu weerar hanjabaad ah ku qaaday muwaadiniinta Marocco ee ku sugan Holland.

Sanadkii 2017-dii ayuu aas aasay xisbi gaar ah isaga oo ku guul dareystay in uu guul ka gaaro doorashada, waxaana ugu danbeyn uu isaga fadhiistay siyaasada Holland.

Arintaan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Muslimiinta ku dhaqan dalka Holland maadama ninkaan uu weerar iyo dhaliil badan oo aan loo meel dayin ay kala kulmi jireen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: