Advertisements
Wararka

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo ka soo horjeestay shirka looga hadlayo arrimaha…


7-da Bishaan Febraayo oo ku beegan Maalinta berito ah ayaa la filayaa in Magaalada London lagu qabto shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo looga hadlaayo arrimaha Kheyraadka si gaar ah Shidaalka Soomaaliya, hase yeeshee shirkaas waxaa kasoo horjeestay Guddiga Khayraadka Aqalka sare.

Gudoomiyaha guddigu Kheyraadka Aqalka Sare Senatar Ilyaas Cali Xasan ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in illaa laga ansixiyo Sharciga Kheyraadka dalka, sidoo kalena aan la dhisin Sharciga maalgashiga, iyo Sharciga illaalinta deegaanka uu Shirkaasi yahay mid sharcidarro ah.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in daahfurnaan la’aan ay ka jirto Wasaaradda Batroolka iyo Shirkadaha sahmiyay Shidaalka dalka oo ka faa’iideysan kara aqoonyarida xogta saxda ah ee shidaalka aan heysano.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6538 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: