Advertisements
Wararka

Manchester City oo ku soo noqotay kaalinta 1aad ee horyaalka Premier League…


Manchester City ayaa si ku meel gaar ah ugu soo noqotay kaalinta koowaad ee horyaalka Premier League markii ugu horeysay muddo dheer, ka dib markii ay uga badisay kooxda Everton labo gool oo nadiif ah wareega kulankii 26aad ee horyaalka Ingriiska, taasi oo aheyd mid ay aad iyo aad ugu baahneyd.

Manchester City iyo Liverpool ayaa wada leh 62 dhibcood, laakin waxaa Liverpool looga horeeyaa gool dhalinta, laakin Liverpool waxay gacanta ku heysataa hal ciyaar oo maalinta Sabtida ay la ciyaari doonto kooxda Bournemouth.

Dhinaca kale Everton ayaa ku guul darreystay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedkaan, waxayna leedahay 33 dhibcood waxayna tartanka horyaalka kaga jirtaa kaalinta Sagaalaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6538 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: