Advertisements
Wararka

Nin Muslim ah oo lagu fuliyey xukun dil ah iyada oo laga diiday inuu Imam goob joog ahaado…


Maamulka Gobolka Alabama ee Mareykanka ayaa ku fuliyey xukun dil ah nin Muslim oo dil ku xukunnaa, kadib markii maxkamada ay diiday dalabkiiisa ahaa inuu goobjoog ahaado Imam fulinta xukunka.

Xukunka ayaa lagu fuliyey gacan ku dhiiglaha Dominique Ray maalintii Khamiista sidii markii horeba qorshuhu ahaa in irbad sun ah lagu muddo.

Qareenada Ray ayaa ku dooday in Gobolku uu siiyo xuquuq khaas ah dadka Masiixiyiinta, iyaga oo loo ogolaado wadaad Christian ah inuu goob joog ahaado mar walba fulinta xukunada dilka, waxayna joogaan dhinaca qofka ilaa uu ka dhinto.

Laakiin wararka ayaa sheegay in Imam Yusuf Maysonet aan loo ogolaan inuu dhinac istaago Ray, laakin wuxuu ka daawanayey howsha qol ku dhow.

The New York Times ayaa sheegtay in Ray uu ku jiray xabsi muddo 20 sano ah, wuxuuna ku islaamay xabsiga gudihiisa.

Maxkamad ku taalla gobolka ayaa u xadiday maalintii Khamiista oo noqotay waqtiga fulinta dilka Ray, kadib markii lagu eedeeyey in uu dilay gabar yar sanadkii 1995, gabadha ayaa jirtay 15 sano.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: