Advertisements
Wararka

Shirkii arrimaha Shidaalka Somalia oo aan ka muuqan walaacii siyaasiyiinta ay qabeen…


Magaalada London ee dalka Britain waxaa shalay ka furmay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya oo ay ka qeyb gashay Shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay ayaa la soo gebagebeeyey, waxaana ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada federaalka Somalia iyo shirkadda Spectrum.

Wasiirka Batroolka Somalia oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in la soo bandhigay xog ururin sahan lagu sameeyey shidaalka ku jira Somalia, wuxuuna xusay in shirkan uu faa’iido badan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu shirkan socday waxaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday sahan dhinaca shidaalka ah oo lagu sameeyey Somalia, waxaana lagu cadeeyey in xeebaha dalka laga helay batrool badan sida ka muuqata qoraalada iyo jaantusyada ku jira sawirada oo muujinaya natiijada sahanka la sameeyey.

hirka Shidaalka Somalia.jpg

Ka qeyb galayaasha shirkan oo ay ku jireen Soomaali ka kala socotay qeybaha bulshada ayaa sheegay inaan lagu soo hadal qaadin shirka xaraash ama arrimo la xiriira shirkado qandaraas lagu siiyey iney soo saaraan shidaalka

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa horey walaac uga muujiyey shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6520 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: