Wararka

Liverpool oo ku soo laabtay hogaanka Premier League kadib markii 3-0 uga badisay…


Liverpool ayaa ku soo laabatay hogaanka Premier League iyadoo 3-0 kaga badisay Bournemouth ka dib markii Manchester City ay hogaanka heysay muddo gaaban.

Liverpool oo ku ciyaareysay Garoonkeeda Anfiled ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 24aad, kadib markii Sadio Mane dhaliyey goolkii koowaad, waxaa goolka labaad raacsaday Georginio Wijnaldum daqiiqadii 34, waxaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu nastay 2-0.

Qeybtii labaad, Reds ayaa sii xajistay guusheeda kadib markii ay heleen goolkii seddaxaad oo uu u dhaliyey Mohammed Salah daqiiqadii 48aad. ka dib markii goolal la’aan ahaa muddo aan yareyn ee horyaalka.

Natiijadan ayey Liverpool ku hogaamineysa Premier League, waxayna leedahay 65 dhibicood, waxay Manchester City ka horeysaa 3 dhibcood, ka hor inta aysan la ciyaarin Chelsea oo ay is arki doonaan berito oo Axad ah.

Dhinaca kale, Salah ayaa hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Premier League isagoo dhaliyey 17 gool, wuxuu dheer yahay labo gool laacibka ugu soo dhow oo ah Pierre Emerick- Aubameyang oo u ciyaara Arsenal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: