Wararka

Somaliland oo dalbatay in dalal kale ay qeyb ka noqdaan wadahadalka kala dhaxeeya Somalia…


Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in wada hadalkii uu hore u waday Turkigu aan wax midho dhal ah laga gaadhin, sidaas darteed, waxay dalbatay in dalal kale oo caalamka ahi qayb ka noqdaan wada hadalkaasi labada dhinac.

Sidaasna waxa lagu sheegay kulan maanta ku dhexmaray madaxweyne Biixi iyo ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqada geeska Afrika, waxana uu madaxweynuhu u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: