Wararka

Trump oo mustaqbalka W/Kuuriya ku sheegay inuu noqon doono hormuudka dhaqaalaha…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay xaaladda “wadahadal” ee isaga iyo madaxweynaha dalka Waqooyiga Kuuriya ee lagu wado in wareegiisa labaad uu ka dhaco caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi, dhamaadka bishan aynu ku jirno ee Febraayo.

Qoraallo isdaba-joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku ammaanay horusocodka wadahadalka Waqooyiga Kuuriya iyo madaxweyne Kim Jong Un, wuxuuna sheegay in wafdi uu u diray dhowaan magaalada Pyongyang ay halkaasi kala soo noqdeen rajo wanaagsan.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in mustaqbalka dalka Waqooyiga Kuuriya uu yahay mid iftiimaya islamarkaana dalkaasi uu noqon doono hormuudka dhaqaalaha adduunka.

Kulanka Trump iyo Kim wareegiisa labaad ayaa waxa uu 27-28 bishan Febraayo uu ku qabsoomi doonaa caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: