Advertisements
Wararka

Baarlamaanka Puntland oo go’aansaday in si wadar ah ku ansixin doonaan golaha wasiirada…


Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay ku ansixiyeen in si wadar ah loo horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida loo siiyo ama loogu diido Golaha Wasiirada Puntland.

Fadhi uu yeeshay maanta Baarlamaanka Putnland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa illaa 53 xildhibaan iyadoo markii cod loo qaaday qaabka loo siinayo kalsoonida Golaha Wasiirada ay u codeeyeen in si wadar ah loo horkeeno 26 mudane halka 24 ay diideen waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub.

Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid-mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu ku dhowaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaasoo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan,iyadoo xilligii loo qabtay ay ku eg tahay maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6538 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: