Wararka

Howlgal amni oo lagu baadi goobayo kuwii ka dambeeyey dilka nabadoonka oo ka socda…


Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan xalay ku dileen Waqooyiga magaalada nabaddoon ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug.

Nabaddoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Ciidamada Ammaanka ayaa saakay ka wada qeybo ka mid ah magaalada Howlgal ballaaran lagu sugayo amniga laguna baadigoobayo kuwii ka danbeeyay dilka nabaddoonka.

Ciidamada ayaa la sheegay in qeybo ka mid ah magaalada guri guri u baarayaan, iyaga oo sidoo kalana su’aalo weydiinaya shacabka bal haddii ay jiraan ugu yaraan cid aragtay ragga toogashada nabaddoonka ka danbeeyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (5945 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: